news
all videos
Contact us
tvsle.com
Thursday, 4 March 2010
Gudomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo KahadleyKhasaraha Robabka Iyo Warar Kale
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamuud Oo Ka Hadlay Khasaaraha Roobabka.

Hargeysa(TVSE)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inuu xisbi ahaan shacbiga ka tacsiyadeynayo khasaaraha ka soo gaadhay roobabkii dhawaan ka da'ay dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo u dhignaa sidan:-

"Sidaynu wada og-nahay waxaa bilowday raxmaadkii roobka gu ga, ilaahayna aynu ugu shugri naqayno, maadaama uu inaga soo jabiyey abaartii baahsanayd ee guud ahaan ka jirtay Somaliland.

Roobabkaasi oo khasaare gaadhsiiyey magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, waxaanay waxyeeleeyeen goobo kala duwan oo ku yaala Magaalooyinkaas.

Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxaanu ka tacsiyadaynaynaa khasaaraha naf iyo maalba leh ee soo gaadhay magaalooyinka Wajaale iyo Berbera.

Sidaa darteed, Xisbiga Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland, Dawlaha Hoose iyo dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah inay u gurmadaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha soo gaadhay magaalooyinkaas.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa, kuna talinayaa Xukuumada Somaliland inay qorshe habboon ka yeelato waxyeelooyinka sida caadiga ah roobabku soo gaadhsiiyaan Magaalooyinka Somaliland, sida daadadka galay Bakhaaradda Wajaale iyo Maxjarka Xoolaha ee Berbera.

Ugu danbayntii, Waxaanu kula talinaynaa Xukuumadda Somaliland in la Sameeyo qorshe lagaga faa’iidaynayo biyaha roobabka ee sanad walba iyagoo qulqulaya badda toos u taga, dadweynahana waxaanu ku boorinaynaa inay xoogga saaraan sidii ay u kordhin lahaayeen wax-soosaarkooda dalaga beeraha, iyagoo ka faa’iidaysanaya roobabka. Bulshow aynu isku tashano, nimaan dhididini ma dhargee."

WARKA 2AAD

Waaxda adeega sharciga Jaamacada Hargeysa Oo tababar u furtay 45 Garsoorayal iyo xeer ilaaliyayaal ah.

Hargeysa (TVSLE) – Wasiirka Wasaarada madaxtooyada iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Cadaalada Somaliland Md Xasan Axmed Macalin iyo Yuusuf Ciise Talaabo, ayaa shalay ka wada qayb galay Munaasibad daaha lagaga rogayay aqoon korodhsi la siinayo 45 xubnood oo iskugu jira garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaasha qaranka.

Aqoon korodhsiga oo ujeedadiisu tahay sidii garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha dalka aqoontooda garsoorenimo loo kobcin lahaa, ayaa waxa uu soconayaa muddo saddex sanadood ah, iyadda oo mudadaa uu socdo garsoorayaashu ku qaadan doonaan hababka ugu fiican ee loo qaado kiisaska, loona fuliyo xukunada.

Munaasibada lagu furayey tababarkan oo ay maalgalinaysay hay’adda UNDP, iyada oo uu abaabulay isla-markaana uu hirgalinayo laanta adeega sharciga ee jaamacada Hargeysa oo kaashanaya aqoonyahan ka tirsan Jaamacada, ayaa waxa ugu horeyn hadal ka soo jeediyey Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan, waxaanu hadalkisii ku bilaabay “Anaga sharaf wayn ayay noo tahay in Jaamacada Hargeysa laga bilaabo barnaamijkan, sidaad ogtihiin jaamacada Hargeysa waa ta ugu balaadhan Jaamacadaha Somaliland, macalinta iyo ardayda halkan joogaan agobol walba way ka socdaan.

Jaamacada Hargeysa waatii ugu horeysay ee laga bilaabo ama biowda barshada sharciga, dad badan ayaa qaxcan ka gaystay sidii loo dhisi lahaa jaamacada iyo sidii loo hirgalin lahaa waaxda barashada sharciga guud ahaan.”

Dr Bulxan, waxa uu intaa ku daray “Barnaamijkan maanta (shalay) la bilaabay waa mid aad iyo aad u mihiim ah, tacliintuna da’ malaha, xirfad kasta oo qofku leeyahayna waa wax mar walba kordha, oo maanta cid odhan karta cilmigii oo dhan ayaa igu dhan ama dhakhtar ha ahaado ama farsamo yaqaane, waxaana loo baahan yahay in hadba wax lagu daro.

Markaa jaamacada waxa sharaf u ah intiinaa maanta halkan iskugu timid ee bilaabaysa barnaamij cusub oo ah sidii loo kobcin lahaa shuruucda.”

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Mubaarik Ibraahim Aar, oo isna halkaa kalmado kooban ka yidhi “Anaga sharaf wayn ayay noo tahay haddii Jaamacada Hargeysa lagu tababaro garsoorayaasha Somaliland. Waxaynu ognahay in garsoorku uu kaalinta ugu sarayso kaga jiro bulshada, waxaynu ognahay in cadaaladu laf-dhabar u tahay horumarka umadda, run ahaantii waxaan aad ugu faraxsanahay garsoorayaasheena oo aynu ognahay aqoontoodu inay aad u sarayso si fiicana ay wax u wadaan inay hadana ku dadaalaan inay kor uga sii qaadaan, iyada oo aynu ognahay in aqoon korodhsi cid kastaa u baahan yahay qofku PhD ha haysto ama wax ka hooseeya ha heystee, aqoonta lagama gaboobo lagama waynaado, markaa garsoorayaasha taa aad ayaanu ugu soo dhawaynaynaa, waxyaabaha ugu muhiimsan ee tababarkani leeyahay waxa ugu muhiimsan, in lagu tababaro garsoorayaasha cusub qawaaniinta sharciga.”

Mubaarik Ibraahim, oo sii wada waxyaabaha lagu baranayo ayaa yidhi “Waxa kale oo ka mid ah in waxyaabaha sharciga ah ee ay iyagu danaynayaan si gaar ah loogu tababaro oo la siiyo, waxyaabahaasna waxa ka mid ah xirfada koombuutarka, waxaynuna ognahay in maxkamadaha qacan wax lagu qoro ama teeb.

Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha tababarka ku jira in tayada garsooraha laftiisa sare loo qaado, taasna waxa makhraati inooga ah Maxkamada sare oo diyaar u ah in tayadii garsooraha ay sare u qaado, oo ay tababarkan qaataan oo ay shaqaalahoodana ay u sheegaan inay ka qayb galaan tababarkan, markaa tayadii garsoorka haddii ay maamulkii tahay, haddii ay tahay kiisaska sidii loo qabanayay, haddii ay noqoto sidii go’aamada loo gaadhayay iyo haddii ay noqoto sida xukunka loo soo saarayo.”

Dr Maxamuud Xuseen Faarax, oo ah madaxa laanta adeeega sharciga ee jaamacada Hargeysa, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada tababarka “Ujeedada barnamijkani waa sidii loo kobcin lahaa tayada karsoorka, oo garsoorka markaad eegto dastuuriyan, xeer ilaalinta iyo garsoorayaasha ayuu ka kooban yahay, markaa si loo xoojiyo aqoontoodii weeyaan.

Marka aad Ingiriiska oo kale eegto xeerkooda waxa uu ku salaysan khibrad iyo go’aano laga gaadhay dacwado hore.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaan qabaa xeer ilaaliyayaasha iyo garsoorayaasha barnaamijkan loo furayo kuma koobna oo kaliya Hargeysa, waxa uu noqon doonaa mid koobsada gobolada wadanka oo dhan, barnaamijkan oo socon doona muddo saddex sanadood ah, Jaamacada Hargeysa, maxkamada sare, hay’adda shaqaalaha iyo gudida sare ee cadaalada waxa la isla qaatay in la abuuro barnaamij dadka khibradooda lagaga faa’idaysanayo cadaaladiina dib loogu soo dabaalayo si qofku uu u shaqeeyo isaga oo ah qof khibrad leh, wixii uu jaamacada ka bartayna uu maxkamadaha ka fuliyo, ujeedada aynu u soconaana waa in cadaalada horumarin lagu sameeyo.”

Guddoomiyaha Hay’adda shaqalaha Qaranka, Md Cabdiraxmaan Xuseen Caddami, oo ka mid ahaa dadki talada ku lahaa diyaarinta tababarka la siinayo garsoorayaasha oo isna halkaa ka hadlay aaya yidhi “Anigu waxaan matalayaa gudida cadaalada, waxaan matalayaa hay’adda shaqaalaha oo hormuud ka ah isbadal balaadhan oo la doonayo in lagu sameeyo maamulka dawliga ah, waxa soo socda oo uu qayb ka yahay garsoorkuna wax yidhaa istaraatiyada dib loogu habaynayo qaranka, marka dib u habayn la samaynayo hay’ad kaliya ma samayn karto waa wada jir.”

Madaxa UNDP ee Somaliland Mr Ionatius Takawira, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku bilaabay sidan “Si sharcigu u shaqeeyo waxa loo baahan yahay inay jiraan ama waxa lagama maarmaan ah jiritaanka garsoor taabo-gal ah, si kaas oo loo helana waxa lagama maarmaan ah in la helo xirfad yaqaano sharci oo u tababaran diyaarna u ah inay shaqadii garsoorka qaadaan, waxa kale oo aanu qiimayn la sameeyay, waxa lagu odaagay inay lagama maarmaan tahay in tababar joogto ah loo fidiyo dadka garsoorka ka shaqeeya.”

Mr Takawira, waxa kale oo balan qaaday “Waxaan cadaynayaa in hay’adda UNDP ay diyaar u tahay inay sidii ay u caawin jirtay u sii caawiso tababarada garsoorka Somaliland muhiimka u ah.” Ayuu hadalkisii ku soo xidhay.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Oomane., oo isna halkaa ka hadlay ayaa aqoonyahanka jaamacada Hargeysa ka codsaday in tababarka ay siinayaan garsoorayaasha ugu daraan barashada tiknoolajiyada casriga ah, si ay wax badan uga ogaadaan isbadbadalka shuruucda caalamiga ah.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xasabn Macalin iyo Wasiir ku xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Talaabo, oo iyaguna halkaa kalmado ka yidhi, ayaa midkoodna amaanay shaqada ay qabatay jaamacada Hargeysa ee ay ku tababarayso garsoorayaasha dalka oo dhan, halka midna uu ka dayriyey sida shuruucda Somaliland tahay.

WARKA 3AAD

Khasaraha Roob shalay ka day Wajaale iyo Maydka qof uu xalay qaaday Oo la soo helay & Hargeysa Oo saaka ku waaberiisatay roob.

Hargeysa (TVSLE)- Ciidamada Booliska degmada Tog-Wajaale oo ilaa xalay ku hawlana sidii ay u heli lahaayeen maydadka dad uu la tagay daad xoog badan oo ka dhashay roob saacado badan xalay ka dayey Wajaale, ayaa ku guulaystay inay soo helaan maydka qof ka mid ah dadkii uu daadku qaaday oo tiro ahaan lagu sheegay inay ahaayeen ilaa shan ruux.

Alle ha u naxariistee qofka maydkiisa la soo haley oo aan ilaa hadda magaciisa si rasmi ah loo shaacin, waxa laga soo helay meel aan sidaa uga fogayn Magaalada Wajaale oo uu maro tooxa kala qaybiya Magaalada Wajaale.

Dadwaynaha Wajaale oo aan ilaa xalay dhinaca dhulka dhigin nimcadda ILAAHAY (roobka) oo guryaha ugu gayshay ayaa ciidamada booliska ka caawinaya raadinta dadka ilaa hadda la raadinayo ee looga shaki qabo in daadku qaaday, iyadda oo maamulka iyo ciidamada booliska oo iskaashanaya ay baadi goob ugu jiraan dadkaasi maqan, iyada oo la sheegayo in raadcado gaadhayso tuulada Geed-balaadh oo sida la tilmaamay 18KM berri ka xigta Magaalada Wajaale ee mashaqdo ka dhacday.

Dhamka kale, Caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo baryahanba roobku dul taagnaa, ayaa saaka ku waaberiisatay nicadda roobka, iyada oo markii suuqyadu soo buuxsameen uu bilaabmay roob dayay ilaa 2:00 duhurnimo.

Roobkan oo ahaa nooxa loo yaqaan shuuxa, ayaa waxa uu sababay in dadku hore suuqa uga baxaan, iyada oo indhahaagu qabanayeen dadka iyo daanyeerka Magaalo jooga ah oo gidaarada kaga wada gabanaya dhibicda roobka.

WARKA 3AAD

Gudoomiye Siilaanyo Oo Si Adag Uga Hlay Eedayntii Uu Wasiirka Arimaha Dibeda Keyna U Jeediyey Gudoomiye Faarax Macalin

Hargeysa (TVSLE)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa si adag u dufaacay booqashadii dambayaaqadii sannadkii hore uu ku yimid Somaliland Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya Md Faarax Macalin, isla markaana ay tahay arin ay aad uga xun yihiin, ka Xisbi ahaan iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland-ba. Eedayntii uu wasiirka Arimaha Dibedda ee Kenya kula dul-kufay

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxaa uu baaq u diray kooxaha lamaanaha dalka Ingiriiska u dhashay ee af-duubka ugu haysta koonfurta Somaliya in ay sii daayaan iga oo ku qiimaynaya xuquuqda bin’aadanimo, maadaama oo ay xaaladooda caafimaad ay aad u liitado wakhtigan.

Md Siilaanyo, ayaa sida oo kale waxaa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan ay ku kalsoon yihiin shaqada ay Komishanka doorashooyinka qaranka ay gacanta ku hayaan, isla markaana ay ka wadda hadleen qaabka ay ugu talo galeen inay u qabtaan kaadhadhka cusub ee ay damacsan yihiin in ay dhawaan u qaybiyaan dadka liiska saxda ah ee uu soo saaro Sarverka ay ku kaydsan yihiin macluumaadka diiwangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland.



Sidan waxaa uu Gudoomiyuhu ku sheegay waraysi khaas ah uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay Khadar Cali Xuseen [Shiine] oo ka tirsan shabakedda wararka ee Oodweynenews. C

om.

S: Gudoomiye waxaa jirtay in booqasho uu Somaliland ku yimid dabayaaqadii sannadkii hore Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Md Faarax Macalin, isla markaana uu booqashooyin kala duwan uu ku tagay Gobolladda Somaliland, isaga oo u kuurgelaya xaaladaha nabadgelyo, waxbarasho, caafimaad, nololeed iyo horumareed ee ay ku tallaabsatay Somaliland. Iyada oo ay sidaas tahay Gudoomiye waxaa hada soo baxday eedayn uu u soo jeediyey Wasiirka Arimaha Dibedda ee Kenya, isaga oo baarlamaanka-na ka codsaday in baadhitaan lagu sameeyo safafkiisii Somaliland Arintaas sideed u aragtaan ka xisbi ahaan ?

J: Arintaa waxaan u arkaa in ay tahay arin ayaan darro ah xaq-na aan ahayn gar-na aan ahayn, Faarax Macalin waa nin weyn oo xil aad u culus-na ka haya dalka Kenya iyo Baarlamaankiisa. Hadii uu Somaliland yimid maaha meel ka caagan xidhiidhka dunida madax faro badan ayaa timaada madexdeenu-na meel kasta way tagaa, aduunka madexdiisa oo dhan ayaanu arag-naa wadan aanan booqan ma jirto hadii aanu nahay xukumada iyo asxaabta mucaaridka ah-ba, Somaliland waa dal u dagaalamaya xoriyadiisa aqoonsiyeed cid uu dhibaato u geystaa ma jirto waa dad iyo dal mandaqada geeska Afrika ee ay ka mid tahay Keyna u taagan xasiloonida iyo nabad ku wadda noolaanshaha, waan-na arinta ugu qaalisan ee laga heli karo mandaqada [nabadgelyada Somaliland].Maanta waxay ahayd wax alle wixii u taagan la dagaalanka budhcad badeedka, u dagaalanka xasiloonida, deganaanshaha Gobolka, dimuqraadiyada iyo aduunka-ba intaas oo dhami inay iskaashadaan oo ay wax wadda qabsadaan ayey ahayd Md Faarax Macalin waa nin isku xidhayey dhaqdhaaqaaqa noocyadaasa. Somaliland waxay ku caan-baxday magac iyo sharef-na ku leedahay in ay tahay meelaha ugu xasiloonida roon geeska Afrika ee aynu ku noolnahay, hadii uu yimid Somaliland, hadii uu ina dhiirigeliyey iyo hadii aynu inagu dhiirigelinay waa mid wax inoo tartay, markaa aad iyo aad ayaan uga xumahay waana ayaan darro dad xog badani u dhiman tahay ama dareenka ay mandaqadu u baahan tahay ogeyn in ay maanta ku eedeeyaan Faarax Macalin Imaatinkiisii [S/land] iyo hadaladii guubaabada ahaa ee uu u jeediyey shacabka reer Somaliland in ay cidi ku eedayso waa ayaan darro weyn.

S: Md Siilaanyo Wasiirka Arimaha Dibeda ee Dalka Kenya, waxaa uu eedaystaas u soo qaatay tagitaankii Faarax Macalin ee Magaalada Laascaanood oo uu sheegay in hadalo ka jeediyey iska horkeeni kara Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland, tagitaankaas Laascaanood oo ka mid ah Gobollada Somaliland ma kuula muuqataa in ay ahayd khalad ?

J: maya may ahayn khalad dee Laascaanood way muuqataayoo waaqi ahaan iyo sharci ahaan-ba waa Gobol ama magaalo ka mid ah Jam Somaliland, gobolka aynu ku nool-nahay meel aanu dad is-khilaafsani joogin ma jirto ama waa uu yar yahay gobol waliba gudihiisa ayaa is-afgarasho la’aan yar ka taagan tahay taasi-na arin ku cusub maaha Geeska Afirka ee aynu ku nool-nahay. Laascaanood-na waxaa ka talisa Somaliland ciidankeedii ayaa jooga, waxay-na la mid tahay Gobollada ee Somaliland maahan-na gar in lagu qabsado wax aan jirin Faarax Macalin.

S: Axmed Siilaanyo Sida aynu la wadda socono Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md Faarax Macalin waa nin siyaasi ah oo meeqaam aad u weyn ku leh dalkiisa, markaas arintan dhaawac intee leeg ayey kaga yeelan kartaa dalkiisa gudihiisa ?

J: Walaahi samaynta ay arintani shakhsinimadiisa ku yeelan karto ma garanayo laakiin Faarax Macalin waa nin Somali ah, Kenya-na miisaan aad u ballaadhan ayuu ku leeyahay siyaasadda waxaanan filayaa in uu qof kasta oo Somali ah oo ku nool dhulka somalida in uu ka xumaandoono waxaas aanu geyin ee lagu eedeeyey. Sida oo kale waan filayaa in uu gurmad badan ka heli doono dadka af-somaliga ku hadla ee cadaalad dhab ah raadinaya.

S: Gudoomiye waxaa jirta in dhawaan kulano kala duwan aad la yeelateen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaas oo ay idinku sheegayeen in doonayaan in ay sameeyaan kaadhadh cusub oo ay ku bedelayaan kaadhadhkii hore ee diiwangelinta cod-bixiyeyaasha arintaas sideed u aragtaan ka xisbi ahaan ?

J: Horta komishan shaqada ay hayaan waanu ku taageersanahay, way noo sheegeen in ay damacsan yihiin in ay bedelaan kaadhadhkii hore diiwangelinta cod-bixiyeyaasha arintaas-na waa shaqadoodii iga ayaanu ka war sugaynayaa Isha Allaah.

S: Gudoomiye waxaad tahay Musharax madexweynaha Xisbiga KULMIYE uga qaybgali doono doorashadda madextinimada ee la filayo in ay Somaliland ka qabsoonto sannadkan gudihiisa, rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in aad ku guuleysato jagada madextinimada dalka ?

J: Horta guusha Alle ayaa haya laakiin waxaan ku kalsoon nahay 100% in aan ku guuleysan doono hogaanka dalka, taas waxaa kuu cadayn karta qaabkii shacabka Somaliland ii soo dhaweeyeen markii aan ka soo laabta safarkii Maraykanka, shacabkuna waxay ka niyad jabsan yihiin wax qabad la’aanta xukumada maanta jirta, waxaanay u baahan yihiin is-bedel dhab ah oo laga sameeyo dalka.

S: Gudoomiye sida aynu la wadda socono in muddo ah-ba waxaa af-duub loogu haystay koonfurta Somaliya, lamaane u dhashay dalka Ingiriiska kuwaas oo hada la sheegay in ay xaaladooda caafimaad-na liidato maxaa u soo jeedin lahayd kooxaha af-duubka ku haysta ?

J: Baaqaan u dirayaa waxaa weeye hadii aad in uu bina’aadanimo ku abtirsataan waa in aad dadkaa iska sii daysaan, dadkaa misaakiintaa ee da’da ah ee wax alle wax ay galabsadeen aanay jirin, mandaqada aynu ku nool-nahay inteena kale iyo kuwa haysta-ba waxaa inaga soo gaadhayaa waa ceeb, waa taariikh xumo iyo magac xumo aan waligeed hadhayn, markaan waxaanu codsi u jeedinaynaa dadkaa haysta lamaanaha ee masaakiinta ee aanay jirin wax ay galabsadeen ha iska sii daayaan inta aanay farahooda wax ku noqon iyaga oo nabadqaba damacaa iyo hungurigaasi waa kii Ilaahay inaga xaaraantimeeyey markaa waxaanu ugu baaqay-naa hadii aanu reer Somaliland nahay in la iska sii daayo.

S: ugu dambayntii waxaan Gudoomiye ku waydiinayaa waxaa xalay ka da’ay deegaanada galbeedka magaalada Hargeysa, gaar ahaan Tog-wajaale waxaana la sheegay in uu khasaare aad u ballaadhan gaadhsiiyey oo leh dad iyo duunyo arintaas maxaad kala socotaan ka xisbi ahaan ama aad u qabanaysaan dadkaas waxyeeladu soo gaadhay ?

J: Horta marka hore roob iyo barwaaqo waa ka aynu ilaahay ka baryeynay markaa ilaahay ayeynu ugu xamdi naqaynaa, waana mid ay umadeena iyo dalkeenu ku qabowsan doonaan, laakiin waxaan ka tacsiyey-naa shacabka ay dhibaatadu ka soo gaadhay roobabka ee reer Wajaale waa meel wayn oo baayac mushtar laxaadli ka socdo oo door weyn ka ciyaarta dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalkeena mushtamac faro badani-na ku nool yahay aad iyo aad ayaanu uga xunahay waan ka tacsiyeynaynaa dhibtaas shacabka, markaa waxaan leeyahay waa ayaan darro shacabkaas in aan gurmadii loo baahnaa la gaadhsiin hadii ay noqon lahayd dawlada ama cid kale. Markaa waxaan u soo jeedinayaa ha’yadaha gargaarka ee inala shaqeeya iyo dawlada-ba waa inay sida ugu dhakhsaha badan u gaadhsiiyaan wixii gurmad degdeg ah ee loo baahan yahay.
published on Thursday, 4 March 2010
Source: tvsle
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM